Xog: Jubbaland iyo Puntland oo isku xulufeystay qaadacadda guddiyada doorashooyinka ee DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaray dhanka Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ayaa sheegaya in labada Maamul ay qaadaceen Gudiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Somalia.

Labada Maamul ayaa sheegay inaan lagala tashan xulista gudiyadaasi, waxa ayna cadeeyen in mowqifkooda uu yahay diidmo.

Wararka ayaa intaa kusii daraayo in Wasaarada Arimaha Gudaha Dawladda Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho ay Baarlamaanka Somalia ku horgaynayso 25 Bishaan Gudiyadii dhismahooda ay ka biyo diideen Jubbaland & Puntland.

Gudiyada ayaa labada Maamul Goboleed ku tilmaameen kuwo aan lagala tashan waxaana ay sheegeen inaysan khusayn shaqada ay qaban doonaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in 25 Bishaan Baarlamaanka Somalia la horgaynayo gudiyada Xaduudaha iyo Doorashooyinka.

Lama oga mawqifka ama Talaabada labaad ee ay qaadayaan Maamul Goboleedyada Jubbland iyo Puntland marka Baarlamaanka Somalia ogolaadaan gudiyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com