Raage Oomaar oo shaaca ka qaaday halka xarun u noqon doonta maraakiibta dagaalka dalka Ethiopia

Berbera (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in dalka Itoobiya uu sameynayo Maraakiib dagaal iyo ciidamada badda, si loo xoojiyo Ciidanka difaaca Dalka Itoobiya.

Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu shalay ka hor hadlayay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya, waxaana uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan xisbiga talada haya uu dhisay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika, haddana ay qorsheynayaan in ay dhisayaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal.

Haddaba Raage Oomaar oo ah Wariye caan ah oo Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday halka ay saldhigan doonaan Maraakiibta Dagaalka Badda oo ay yeelaneyso dowladda Itoobiya

Raage Oomaar ayaa sheegay inay Maraakiibtaan saldhigan doonaan Dekadda Berbera oo ku taal dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Soomaliland.

Raage Oomaar ayaa sheegay inay arrintaas ka dambeyso kadib markii 19% laga siiyey Saamiga Dekadda Berbera, wuxuuna sheegay inaysan Itoobiya si toos ah arrintaas ugu dhawaaqi karin, maadaama laga yaabo inay ka dhalato carro iyo hadal heyn weyn oo dhanka Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay inaysan heysan dooq kale ama Dekad kale oo ay saldhigtaan, waxaana la tilmaamayaa inay arrintaas ugu wacan tahay Soomaaliya oo aan laheyn dowlad awood leh.

Dad badan ayaa isweydiinaya halka Ciidanka Badda Itoobiya ay saldhigan doonaan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu ku yaallo machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof.

Itoobiya waxaa ay leedahay Harada Tana,taas oo ay inta badan ka howlgalaan dadka barta cilmiga Badaha ee u dhashay Dalka Itoobiya.

Abiye waxaa uu sheegay in dadka ka qalin jebiya Machadkaas la gaarsiinayo 1,000 Qof Sanadkiiba,isaga oo xusay in dhameystir buuxa uu u baahanyahay difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxaa ay heshiisyo dhinaca Dekadaha ah la gashay Dalalka Jabuuti,Suudaan,Kenya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com