Rabshadaha magaalooyinka Mareykanka ka socda oo faraha ka baxay + Sawirro

Minneapolis (Caasimada Online) – Waxaa kasii daraya rabshadaha ka socda magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Mareykanka, kuwaasi oo ka dhashay dilka uu askari caddaan ah u gaystay nin madow ahaa.

Dibad-baxyada ayaa xalay ka socday magaalooyin ay ka mid yihiin Minneapolis, Denver, Chicago, Los Angeles, Seattle, Washington DC, New York, Philadelphia, Pittsburgh, Atlanta, Milwaukee, Louisville, Columbia iyo magaalooyin kale.

Baabuurta booliska ayaa la gubay, waddooyinka waa weyn ayaa la xanibay, daaqadaha dhismooyinka ayaa la burburiyey, waxaana mas’uuliyiinta ay adeesgsanayeeen sunta gaaska ee dadka ka ilmeysiisa iyo xitaa xabadaha caagaha ah, si ay ugu kala eryaan dibad-baxayaasha,

Qaar ka mid ah barasaabyada gobollada ayaa soo kiciyey ciidamada loo yaqaan Ilaalada Qaranka ama National Guard, waxaana Bandow lagu soo rogay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Atlanta, Louisville, Denver iyo Milwaukee.

Magaalada Seattle ayaa waxaa loo yeeray 200 oo ka mid ah ciidamada Ilaalada Qaranka oo aan hubeysneyn. Magaalada Los Angles ayaa soo rogtay Bandow, hase yeeshee ma adeegsan ciidamada Ilaada Qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Washington Dc, dibad-baxayaasha ayaa waxay isku dhaceen ciidamada ilaalada madaxweynaha ee loo yaqaan Secret Service kadib markii ay isku dayeen inay jebiyaan xeendaabka Aqalka Cad.

Magaalada Chicago, dibad-baxayaasha ayaa ku xoomay dhismaha Trump Tower, halka magaalada Philadelphia, ay dibad-baxayaasha jebiyeen dhisme ku yaalla xarunta lagu xukumo magaalada kadibna ay dab qabadsiiyeen.

Carrada shacabka, gaar ahaan kuwa madow ayaa ka dhalatay markii askari caddaan ah uu inta madaxa dhulka u dhigay, jilib ka saaray luqunta George Floyd oo madow ahaa, ilaa naftu ay ka baxdo.

Askarigaas, oo lagu magacaabo Derek Chauvin, ayaa maalmo kadib la xiray, balse xaaladda ayaa kasii dareysa. Waxaa jira khasaare hantiyeed oo weyn, sida goobo ganacsi oo la bililiqeystay iyo qaar la gubay. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac balse tirada saxda ah ayaan la hubin.

Hoos ka daawo sawirradii ugu dambeeyey rabshadaha