DF oo magdhaw lacageed ka dooneysa xubin ka tirsan shaqaalaha Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla markaana lagu socodsiiyay xaasiifyada hantidhowrka, xisaabiyaha guud iyo wasaaradda maaliyadda, ayaa magdhaw lacageed looga dalbaday mid kamid ah shaqaalaha xaafiiska Madaxweynaha.

Yoonis Xasan Xuseen oo ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan xaafiiska Madaxweynaha ayuu guddigan ku eedeeyay inuu mushaar ka qaadan jiray laba xaafiis, sidaas darteedna laga rabo magdhaw lacageed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Yoonis mushaarka uu ka qaadan jiray xaafiiska madaxtooyada uu u wehliyay mid kale oo uu ka qaadan jiray hey’adda qaxootiga barakacyaasha qaranka, taas oo ay ku tilmaameen sharci darro.

Guddiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la go’aamiyey laba qodob oo kala ah.

  • In Yoonis laga joojiyo shaqada xaafiiska madaxtooyada Soomaaliya, si looga fogaado laba mushaar qaadasho kale.
  • Iyo in uu bixiyo lacagtii uu mushaar ahaanta uga qaatay xaafiiska madaxtooyada, taas oo dhan 6,352.8 dollar, (lix kun seddax boqol konton iyo laba dollar iyo sideed sinti).

Ugu dambeyntii waxaa lagu yiri qoraalka guddiga, “Waxaan inla socodsiineynaa in uu bixinaayo lacagta uu ka qaatay xaafiiska madaxtooyada 100%, si loogu shubo khasnadda dowladda.”