Rag ka tirsan Daacish oo xukunno lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun ku riday rag la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee dagaalka ka wada Soomaaliya.

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa looga yaqaanay Daacish uu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay QUDAAMA ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Ururka Daacish.

Raggan oo watqiyo kala duwan gacanta lagu dhigay ayay Maxkamadda Ciidanka sheegtay in ay isku aqoonsadeen halkii ay ka socotay Maxkamadeyntooda kana wada tirsanaayeen Ururka Daacish.

Waxaa ay ka soo wada dagaallameen Af Urur iyo Calmiskaat oo ka wada tirsan Gobolka Bari ee Puntland,halkaas oo ay ka mid ahaayeen Ciidamada Daacish.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ku xukuntay min lix Sano oo Xabsi ah,waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa sheegay in xukunka lagu riday raggan uu leeyahay Racfaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com