Rag miino ay dhigayeen ay kula qaraxday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa suuqa xoolaha iyo isgoyska Soos.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in miinadaas ay ku qaraxday raggii aasayey oo gaarayey illaa afar ruux.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray in meydadka afarta ruux saaka lagu arkay goobta uu qaraxu ka dhacay oo mar dambe ay tageen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada Heliwaa iyo saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro dadka socotada ah.