Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi La Socda Oo U Duulay Dalka Imaaraadka Carabta

By Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Isutagga Imaaraadka Carabta.

R/iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta Iustgga Imaaraadka Carabta,kadib casuumaad uu ka heley madaxda Dalkaasi.

Waxaa lagu wadaa in wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre kulamo la yeeshaan madaxda dalka Imaaraadka oo ay kala hadli doonaan xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xalinta khilaaf dhex yaallay labada dhinac.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida weyn loogu eedeeyo inuu faraglein ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inta ay joogaan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonaan,arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com