Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo shaaciyay inta uu yahay mushaarkiisa bisha (Aqriso)

Addis Ababa (Caasimada Online)- Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay inuu 7 maalin joogo Xafiiskiisa, isla markaana uu bishiiba mushaar u qaato 300 oo Dollarka Maraykanka.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Qasriga Menelik Palace ee Addis Ababa, xilli uu wareysi siinayey Wargeyska The African Exponent.

Waxa kale oo uu sheegay inuu Xafiiska RW joogi doono 2 Xilli Doorasho, kadina ka degi doono Talada dalka, sida uu yiri.

Waxa uu tilmaamay inuu Ku dheganaan doonin Madaxtinimada sida Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda ee muddada dheer haya Talada.

RW Ethiopia waxa uu xusay inay 20 sanno halgan ugu jireen sidii dalkiisa loogu soo dabaali lahaa Dimuqraadiyada, wuxuuna ku faanay inuu yahay Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee booqasho kormeer ah Ku soo mara kala-bar magaallooyinka ku yaalla Goballada Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Wareysigiisa iiga baxay inuusan ahayn Mas’uul musuq-maasaq iyo inuu tahay Hoggaamiye Ku qanacsan mushaarkiisa 300 Dollar iyo inuu ka iimaan fiican yahay Madaxda kale ee mushaar ahaan bishii u qaata in ka badan 20,000 oo Dollar.

Bal maleey mushaarka Madaxdeenna ee xad-dhaafka ah, iyadoo ay welibana u dheer tahay inay adeegsadaan Kharashaad kale oo ka baxsan mushaarka iyo gunada.

W/Q: Ustaad Nuuradiin