Qorshaha Xuseen Cusmaan Xuseen ee Koonfur Galbeed iyo qamaarka Villa Somalia

Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay sameyn doonta wax loo arko qamaarkoodii ugu xumaa ee siyaasada 19bilood ee ay xafiiska joogeen, iyagoo weerar hal-afle ah ku qaadaya Koonfur Galbeed. Laakiin magaca qofka ay rabaan iney tijaabiyaan ayaan macno badan sameyn doonin waana sababta loogu sifeynaayo qamaar siyaasadeedkii ugu xumaa ee Farmaajo iyo Kheyre.

Xuseen Cusmaan Xuseen oo dhowaan iska casilay xilkii taliyaha NISA ayaa la aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu qancinaayo inuu taageero maaliyadeed siiyo si uu ugu tartamo madaxdtinimada maamulka Koonfur Galbeed, doorashada dhici doonta 17ka bisha soo aadan.

Lama hubo in Farmaajo bixin doono taageero maaliyadeed laakiin waxaa la aaminsan yahay in saaxiibada kale ee Villa Soomaaliya ay rabaan iney Xuseen ka dhigtaan qorshahooda koowaad ee Koonfur Galbeed.

Xuseen Uurkuus oo la sheego inuusan wax taageero ah ka heysan beeshiisa Galadi iskaba dhaaf beelaha kale, ayaa dadka qaar ku talinayaan in aaney Villa Soomaaliya isku haleyn oo ay ka fakaraan musharax kale, waana arrinta wali caga-jiidka ku rideysa madaxweyne Farmaajo.

Xuseen Cusmaan ayaa lagu eedeya inuu Toddobo bilood ku bur buriyay ciidankii ugu xooganaa ee ay Soomaaliya dhisato bur burkii kadib oo ah NISA, tani waxaa ay dhaawacday CV-giisa siyaasadeed waxaana ay dhibco badan ka lumin doonta xiliga doorashada Koonfur Galbeed.

Waxaa socota dood xoogan oo ku saabsan mustaqbalka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Abdullahi oo Jaamacada Nairobi ka bartay siyaasadda kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa aamisan in labadda qof ee ugu macquulsan iney badalaan Shariif Xasan in uusan ku jirin Xuseen Cusmaan wuxuuna u sababeeyay inuu yahay siyaasi daamaci ah oo xitaa meel cidlo ah uga tagi kara Koonfur Galbeed hadii uu fursad kale arko.

“Shacabka Koonfur Galbeed waxey ka fakarayaan inuu sanadkaan isbadal dhaco, waxey rabaan iney ka baxaan gacanta siyaasi ganacsi u arka siyaasadada waana niyad jab iney gacanta u galaan siyaasi kale oo isna siyaasada ganacsi u yaqaana ayuu yiri Maxamed Nuur Abdullahi oo si kale u qaxeeyay mudane Xuseen Cusmaan Xuseen.

Waxaa jira dadbadan oo usoo jeediyay Xuseen Uurkuus inuusan is sharaxin oo uu arrinkaas ka gaabsado, iyagoo u sababeynaya iney adag tahay inuu codad ku filan helo marka la eego aragtida ay ka heystaan reer Koonfur Galbeed , lama hubo inuu taladaas aqbalay balse ilo muhiim ah ayaa xaqiijinaya inuu ka fakaraayo talooyinkaas.

Marka dib loo aqriyo taariikhdiisa siyaasadeed oo kasoo bilaabata 2004 ,waxaa muuqanaya inuu yahay qof aan meelna ku nagaanin, tani waxey ku qasbi kartaa Villa Soomaaliya iney musharax kale diyaariyaan ama iney labo musharax ku duulaan tagaan.

W/Q: Mohamed Ali Adan

Falanqeeye-Siyaasadeed

London-UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid