Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo cambaareyn kulul kala kulmay ‘gefkii’ Soomaaliya

Delhi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay hadal gef ku ah Soomaaliya oo uu dhowaan ka jeediyey isu soo bax ka dhacay dalkaasi, kaas oo ku saabsanaa doorashooyinka soo socda ee Hindiya.

Modi ayaa is-barbar dhig ku sameeyey gobolka Kerala ee dalkaasi iyo Soomaaliya, xilli uu ka hadlayey fagaare ku yaalla gobolkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Heerka shaqo la`aanta ee Kerala ayaa ugu yaraan seddex jeer ka badan celceliska qaranka. Heerka dhimashada carruurta yar yar ee Kerala ayaa ka liita Soomaaliya.”

Kadib waxaa hadalkaasi ka dhashay fa-lcelin iyo dhaleeceyn xoogan oo loo jeedinayo Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, waxaana madaxa wasiirada Oommen Chandy uu warqad u qoray Ra’iisul wasaaraha, isaga oo u sheegay in hadalladiisa ay ka fog yihiin xaqiiqda.

“Waxaad sameysay hadallo aan wax xiriir ah la lahayn xaqiiqda waxaadna la mid dhigtay Kerala Soomaaliya. Tani waa mid aan ku habooneyn ra’iisul wasaare waxayna abuurtay xanuun badan,” ayuu yiri Oommen Chandy.”

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaad ka hadashay wiil reer Kerala ah oo wax ka cunaya qashin qub. Laba baaritaan oo arintaas ku saabsan ayaa la sameeyay runtiina way ka fogtahay waxaad sheegtay,”

Dhankiisa wasiirka Hindiya ee ka soo jeeda gobolka Kerala ayaa su’aal ka keenay hadalkaasi xanafta leh, wuxuuna tilmaamay inay ceeb ku yihiin Mr Modi.

“Hadda, waxaad isbarbar dhigtay Kerala iyo Soomaaliya. ,iyaanay ceeb ahayn in ra’iisul wasaaruhu ku dhawaaqo in dal sida Soomaaliya oo kale ahi ka jiro dalka.” ayuu yiri.

Hindiya kaliya ma’ahin dalalka ku xad-gubay sharafta Soomaaliya, waxaana jira wadamo badan oo tusaale xun u soo qaatay, sida Mareykanka, Ugnada, Algeria iyo kuwa kale.