Wararkii ugu dambeeyey safarka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay beri oo Talaado ah, kuna beegan 1-da September 2020 ay soo gaari doonaan gudaha caasimada.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in qaban-qaabada socdaalka labada Madaxweyne ay uga soo kala kicitimayaan Kismaayo iyo Garoowe laga dareemayo magaalooyinkaasi.

Sidoo kale wafdi horudhac u ah iyo ciidamo ilaalo ah ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo diyaarad qaas ah lagu keenay.

Axmed Madooeb iyo Deni oo la filayey in Axadii ay yimaadaaan Muqdisho ayaa u baaqday arrimo farsamo, balse waxay si rasmi ah beri uga soo dagayaan garoonka Aadan Cadde.

Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey diiday shirkii magaalada Dhuusamareeb ayaa wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana gadaal ka riixaya shirkooda xubnaha beesha caalamka.

Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in labada Madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisada u dhexeysa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland ay ka dartay, kadib shirkii Dhuusamareeb oo lagu go’aamiyey doorashada 20/21.