Qaraxyo IMAARAADKA ka dhacay xilli ay tageen wafdi Yahuudi iyo Mareykan ah

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo kale duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta gudaha.

Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed.

Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey.

Sase yeeshee xaqiiqda ah in qaraxa uu ka dhacay waddada garoonka, oo la filayey inay soo maraan sarakaiil Mareykan iyo Yahuud ah ayaa shaki badan abuuray, waxaana soo baxay su’aalo la xiriira in qarax uu aha amid miino.

Illaa iyo hadda ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid la xiriira safarkaas, hase yeeshee hadal haynta arrintaas ku saabsan ayaa ka taagan baraha bulshada.

Imaaraadka Carabta ayaa laba toddobaad ka hor noqday dalkii ugu horreeyey ee ka mid ah kuwa Khaliijka oo xiriir la yeesha Israel.

Dhinaca kale, magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax kale oo ka dhashay Gaas, kaasi oo hal qof u uku dhintay.