32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News