32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

R/W Kheyre iyo la-taliyaha madaxweyne Donald Trump oo ku kulmay Aqalka Cad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa war kooban kasoo saaray kulan uu Aqalka Cad ee Mareykanka maanta kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

John Bolton waa la-taliyaha gaarka ee madaxweyne Donald Trump ka talo siiya arrimaha la xiriira ammaanka qaranka Mareykanka, waana shaqsi muhiim u ah go’aanada siyaasadda dowladda Mareykanka.

Qoraal kooban oo Bolton uu soo dhigay bartiisa twitter ayuu ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, [Xasan Cali] Kheyre, waxaana ugu hambalyeeyey is-beddelada dhaqaale ee Soomaaliya, aniga oo ku booriyey inay si joogto ah usii wadaan.”

Bolton ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Kheyre ay ka wada-hadleen “sida lagu soo dheereyn karo xiriirka xooggan ee Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan ka hor-tagga argagixisanimada iyo xasiloonida gobolka.”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa toddobaadkan Washington u jooga inuu kulamo la yeesho madaxda Bankiga Adudunka iyo hay’adda lacagta adduunka IMF iyo saraakiisha dowladda Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News