Video: Ciidamo kumandoos ah oo Soomaaliya loo soo tababaray oo Muqdisho ka soo degay maanta (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta garoonka Muqdisho lagu soo dhaweeyay in ka badan 300 oo askari oo ah ciidamo tababarka kumaandooska ku soo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamadan cuusb ayaa ku biiri doona ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee fuliya howl-gallada qaaska ah.

“Wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed oo fulinaya amarada madaxda qaranka ayaa waxay wadaan dadaallo ku aadan tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka.

Ciidankaan kumandooska ah ayaa wax weyn ku biirin doona dhabar jabinta kooxaha argagixisada Soomaaliya ee dagaalka kula jira shacabka iyo dowladda

Hoos ka daawo muuqaalka ciidamada cusub.