Maxay Saynab Cabdi iyo Gaambe ka damacsan yihiin dhulka la rabo in xoogga looga qaado Muuse Suudi?

Muqdisho (Caasimadda Online) – 11 Bishii hore Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lagala noqday dukumintiyo loo sameeystay dhul ay ciidamadii Badda ku lahaayeen degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

Xeer uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhulkaasi hore u ahaa dan guud haatana la doonayo in caasimada laga dhigo mid la tartanto caalamka.

Eng Yariisow ayaa hay’adaha dowlada Federaalka waxa uu ku wargeliyay in ay joojiyaan dhulalka ay bixiyaan, kadib markii ay dowlada u wakiilatay maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho in uu Mas’uul ka yahay dhul bixinta iyo fasaxyada.

Amarkaas kadib Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka jirto xiisad laga cabsi qabo iney gacan ka hadal isu bedesho, taasoo u dhexeysa Ciidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii uu fashilmay labo isku day oo lagu doonayay in Senatorka lagu qanciyo inuu xerada isaga guuro, isagoo xubno isaga wakiil ka ah ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo kulan uu Guddoomiyaha Aqalka Sare isugu keenay Duqa Muqdisho iyo Muuse Suudi Yalaxoow, waloow wax natiijo ah aan ka soo bixin kulmadaas.

Maxaa laga damacsan yahay dhulkaas?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhulkaas ka damacsan inay ka dhisto dhismooyin casri oo qalabeysan, waxaana la doonayaa in la dajiyo Safaarado ay ugu horeyso tan Dowladda Qatar oo la rumeysan yahay inay tahay dowladda soo dhisatay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa.

Sidoo kale dhulkaas ayaa waxaa qeyb kamid ah laga Ijaari doonaa Diblomaasiyiin iyo Siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo dowladda ku difaaco afkooda.

Waxaa kaloo laga sameyn rabaa guryo Ganacsi oo la doonayo in la Ijaaro isla markaasna Macaash laga sameeyo.

Yaa Qaatay Mashruucaas?

Sida ay Xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Mashruuca dhismooyinkaas iyo guud ahaan maamulka Barnaamijkaas waxaa wadato Marwada Koowaad ee dalka Zeynab Cabdi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mashruucaas ku wareejiyey Xaaskiisa, waxayna Marwo Seynab howshaas u xil saaratay oo Mashruuca u fulin doono Gaambe oo ah Maamulaha Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu badan oo ay dagan yihiin Siyaasiyiinta Dowladda taageersan.

Gaambe ayaa  siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere oo ay isku beel yihiin, waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic waxaana si weyn usii saaciday inay qaraabo yihiin Xaaska Madaxweyne Farmaajo.

Hotelka Jazeera ee Muqdisho waxaa iska leh Yuusuf Siciid Jimcaale oo ay qaraabo yihiin Axmednur Cali Jimcaale oo ah milkiilaha Shirkada Hormuud, balse Hotelka waxaa maamulo Gaambe oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayna Yuusuf dhanka hooyada ehel ka yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com