Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiirka arimaha gudaha oo markii labaad isku mari waayay warqada xil ka qaadista Taabit

Muqdisho (Caasimadda Online): Wasiirka arimaha gudaha ee Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor yimid markii labaad inuu qoro warqad xil ka qaadista duqa Muqdisho waxaana soo dhamaaday kulan u dhaxeeyay isaga iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Labadda nin ayaa la sheegay in kulankoodu uu saacado qaatay waxaana Sabriye loo soo jeediyay inuu qoro soo jeedin xil ka qaadis Taabit Cabdi gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Eng Sabriye ayaa la sheegay inuu ka gows adeegay inuu warqadda qoro, wuxuu sheegay in uusan rabin inuu dhexda ka galo xasarad siyaasadeed oo isaga ka horeysay, wuxuu wasiir Sabriye usoo jeediyay Ra’iisul wasaaraha in arintaan si hoose loo xaliyo.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laggu soo waramaya inuu awoodiisa isugu geynaayo sidii uu meesha ugga saari lahaa Taabit Cabdi oo uu arko mid isaga kursigiisa halis ku ah iyo inuu kala waregay shacabiyadii banaanka.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in wasiir Sabriye uu kulamo la qaadan doono odayaasha Muqdisho si wax la isaga weydiiyo arinta soo korartay ee ah in Villa Somalia ay dhibsatay shirka looga hadlaayo maqaamka caasimadda taasina ay tahay sababta la rabo in xilka looga qaado Taabit.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta beeniyay inuu jiro dhul danguud ah oo la bixiyay tan iyo markii la magaacabay madaxweyne Farmaajo, jawaabtaan waxey shaki ku abuurtay dad badan oo la yaaban sidda fudud ee Dowladdu isugu dayday in qofka iyaga ka tirsanaa ay shaarka kaga wasaqeeyso.

Dowladnimadda Somalia ayaa u muuqata meel dad gaar ah ku tagri falayaan xiligaan oo cidii la doonno laga eryo ama laggu sumcad dilo iyadoo aan la eegeynin rabitaanka shacabka.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com