Xog Ku Saabsan Shakhsigii Ka Codsaday Guddoomiye Thaabit In yusan Xilka iska Casillin ?

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Intabadan dadka magaalada muqdisho waxa ay hadalhayaan arrinka ku saabsan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo muranka siyaasadeed ee kala dhexeeya xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya.

Guddoomiye Taabid ayaa go’aankiisa is casilaada dib uga laabtay saacadihii ugu danbeeyay xili uu sii wargaliyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Taabid ayaa la sheegay in Is casilaada ay ku dhalatay kadib markii uu cadaadis dhanka dhulalka iyo maamulka kala kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Sidoo kale, qorshaha is casilaada Taabid oo waayadan taagneyd ayaa xoogeysatay kadib markii Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dib u dhigeen shirar lagu baadi-goobaayay maqaamka Gobolka Banaadir.

Go’aanka is casilaada Guddoomiye Taabid ayaa waxaa fashiliyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee  baarlamaanka Somalia iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee  Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa hor istaagay Thaabit in uu is casilo, wuxuuna sheegay in garta lawada geli doono, isna uusan deg degin.

Si kastaba ha noqotee siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid iskudhexyaac ah, taas oo cawaaqibta ka dhalan karta aan weli la sii saadaalin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com