Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta laga xannibay in uu galo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya tobaneeyo kamid ah Ciidamadii Naafada Qaran oo maanta isugu soo baxay albaaabka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya waxayna diideyn in la galo ama laga soo baxo Villa Somalia.

Ciidamada Naafada Qaranka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo daryeel xumo muddo ka badan 4 bil waxayna maanta diideyn in ay halkaasi ka laabtaan ilaa ay helaan Xaquuqda ka maqan.

Banaanbaxa ka dhacay Al-baabka Madaxtooyada ayaa sababay in maanta Raysal Wasaare Xasan Cali kheyre uu gali waayo Villa Somalia kadib markii uu ka soo laabtay Shir ka dhacay Xarunta Wasaaradda Ganacsiga oo ku taala dhabarka dambe ee Tiyaatarka Qaranka.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka lugeeyay Wasaaradda Ganacsiga waxa uuna lug ku galay Madaxtooyada iyadoo laga geliyay dhinaca Safaaradda Jabuuti kadib markii la sheegay in uusan ka bixi karin halka albaab ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Shaqaalaha Wasaaradad Ganaciga iyo Wariyaashii ka qayb galay Shirkii ka dhacay Wasaarada Ganacsiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay arkayn Kheyre oo la lugaynaya Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada kuwaas oo lug ku geeyay Xafiiskiisa waxa uuna ka galay dhinaca Safaaradda Jabuuti.

R/W Kheyre ayaa markii hore Wasaaradda ku yimid Gaadiidkiisa balse markii dambe waxaa lagu wargeliyay in uusan ka bixi karin halka Al-baaab ee Gaadiidka ka geli karaan Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe kala eryay Ciidamada Naafada Qaranka ee ka cabanaya mushaar la’aanta iyadoo ay hada xaaladd dagantahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com