Ra’iisul Wasaare ROOBLE dalka ma badbaadin karaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqato waxaa fashilmay heshiiskii iyo jadwalkii doorashada Soomaaliya, mana muuqato dadaalo socdo oo lagu badbaadin karo doorashada Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay ku adkeysatay inaysan wax ka qaban cabashooyinka jira.

Dad badan ayaa ka walaacsan xaalada dalka waxaana la is weydiinayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka ka badbaadin karo fowdo iyo qalalaase ka dhashay doorashada lagu muransan yahay.

Waxaa soo dhamaaday kalsoonidii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee gobollada. Sidoo kale waxaa Farmaajo ka kalsooni dhigay mucaaradka iyo dad badan oo sama doonayaal ah.

“Rooble 60 cesho ayaa la raadinayay, mana lahan awood iyo madaxbanaani uu dalka ku badbaadiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cali Caana-nuug oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Maxamed Maxamuud Cadde, oo ah aqoonyahan iyo weriye hore oo ka tirsan BBC-da ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato doorkiisa badbaadada dalka maadaama aysan jirin kalsooni lagu qabi karo Madaxweyne Farmaajo.

“Ma jirto qof maanta aaminaya Farmaajo, waxaan leeyahay Roobloow dalka maanta badbaadi, doorkaaga qaado,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo la hadlay Caasimada Online.

Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in Maxamed Xuseen Rooble fariin loo soo dhiibay uu la tagay Garowe, sidaas oo kalane uu la tagi doono Dhuusamareeb, islamarkaana uusan waxba soo kordhin doonin.

“Saaxiibkeey Rooble waxaa loo soo dhiibay fariin qoran wax kama badali karo mana ku dari karo, laakiin waxaan leeyahay haddii aadan badbaadin karin dalkaan dumintiisa yaan laguu adeegsan,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Rooble oo socdaalkiisa xal raadinta ka bilaabay Garowe ayaa ku guul dareystay qorshihii uu u baxay waxaana ka soo daray khilaafkii doorashada Soomaliya.

Sababta ugu weyn ee fashilka Rooble ayaa lagu sheegay inuusan lahayn awood uu go’aan ku qaato, balse laga soo amrayey Villa Somalia.