Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyay magaca cusub ee kacdoonka dalka ka socda

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana-Forum ayaa shaaciyay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab loo bixiyay “Dulmi-diid”.

Madasha Tana-Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale wuxuu ka sheegay in dagaalkaan uu yimid kadib markii ay Shacabka u adkeysan waayeen dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee uga imanaya argagixisada.

“Al-Shabaab waxay si ula kac ah u abuureen daruufo sii cakiraya xaaladda bini’aadanimo ee dalka, taasina waxay keentay in markii dadku u caalwaayeen cunaqabateynta lagu hayo ay kacaan si ay isaga saaraan Kansarka ku dhex jira,” ayuu yiri.

“Dulmi-diid waa magaca loo bixiyay gulufka socda ee ka dhanka Al-Shabaab iyo kooxaha la halmaala ee Soomaaliya ku sugan, taasi oo budhig u ah istiraatijiyadeena togan ee dalka Soomaaliyeed, dhulkooda, maalkooda iyo maskaxdooda looga xoreynayo hagardaamooyinka kooxaha xagjirka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku taamayso hubinta Soomaali heshiis ah oo dunida inteeda kalena la heshiis ah, kaasi oo ah aragtida siyaasadeed ee madaxweynaha dalka uu ku galay ololihii doorashada.

“Islamarkii aan tallada qabanay waxaan ka xoornay istiraatijiyada ku dhisan go’doonka oo waxaa qaadnay weerar ballaaran oo argagixisada ku sugan Soomaaliya ka dha ah. Sidoo kale waxaa dagaal ku qaadnay fikradaha xagjirka iyo ilaha dhaqaalahu kasoo galo argagixisada si loo wiiqo hawl-galkooda.”

Ra’iisul wasaaruhu ayaa sidoo kale waxa uu xusay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim u tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda isbeddelka, islamarkaana laga qayb-galiyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed-ba ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab, ayada oo lagala dagaallamayo dhinacyada militeri, dhaqaale iyo fikirba.