Sawirro: Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii  jeedo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa booqashadiisa waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.

Safarka ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna u booqday dalkan, isaga oo wadahadallo gaar ah lasoo yeeshay dhiggiisa dalkaas, Cabdel Fataax Al-Sisi.

Si kastaba, xiriirka labada dowladood ayaa wuxuu isbeddal ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, isaga oo sare usii kacay, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka dalka.