Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo la xanuunsan Coronavirus

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Ingiriiska uu ku xanuunsanayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu duceynayo  Nuur Cadde, isagoo sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu la hadlay ay u xaqiijiyeen xanuunkiisa.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka.

Nuur Cadde iyo wiilka uu dhalay oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isbitaal ku yaala magaalada London.

Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf.

UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19.