Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Istanbul (Caasimadda Online) – Ra’isu lwasaarihii hore ee Soomaaliya ee dowladdii KMG ahayd Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn maanta ku geeriyooday.

Xasan Abshir ayaa Ra’isul wasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.

Ra’iisul Wasaare xasan Cali Kheyre oo soo saaray qoraal tacsi ah ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu sidoo kale ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.