Rajada Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho, kadib safarkiisa maanta + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ee arrimaha doorashada.

Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay iyo bulshada Soomaaliyeed ugu bushaarayey in waxsan ay kasoo bixi doonaan shirka uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib markii ay maamulada dalka qaarkood ka aamin baxeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

“Waxaa ugu mahad-celinayna anaga oo imaaneynay gurigeena inay nasoo dhaweeyaan, waxaan rabaa in aan idhaahdo abshir, soo dhoweyntiina insha-allaha lagu khasaari maayo, halka shey ee muhiimka ah waxa uu yahay in aan ka baxno xaalada aan ku jirno,” ayuu yiri.

“Waa garaneyna waxaa soo marnay, waana garaneyna waxa naga horeeya iyo waxa dhacay waxa uu keeni karo, waa in aan taas niyada wada gashano. Qof walba qofka kale wanaag ha u maleeyo oo kheyrka ha la kala maleysto.”

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayeen Farmaajo oo guddoominayay shirarkii hore ee doorashada, ayaa markaan u muuqda mid la dhacsan doorka Rooble ee xalinta khilaafka doorashooyinka, oo asagu la wareegay arrimaha doorashooda iyo amnigeeda.

Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada ee muddooyinkii dambe taagna, kaasi oo kal hore gaaray heer gacan ka hadal ah.

Waxaa si weyn u socota qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, halka kuwa dhimana lagu wado inay soo gaaran galinka dambe ee maanta.