Sawirro: C/W Gaas oo ka quraacday K/Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhabeynaya balanqaad uu dhawaan ka sheegay magaalada Gaalkacyo oo ahaa inuusan magaalada ka laaban doonin ilaa xal buuxa laga gaaro xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada.

Waxaa soo dhawaanaya rajada uu qabo Cumar C/rashiid ee aheyd inuusan kasoo laaban magaalada Gaalkacyo ilaa colaada laga dhameeyo, taasi oo qasabtay inuu ka baaqdo labo safar uu ku tagi lahaa dalalka faransiiska iyo Uk.

Waxaa saacado ka hor tagay magaalada Gaalkacyo dhanka koofur oo maamulka Galmudug ka taliyo madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali gaas halkaasi oo quraac loogu sameeyay, waxaana wafdiga kamid ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa la filayaa in sidoo kale labada madaxweyne ay lug ku maraan magaalada Gaalkacyo una kala gudbaan labada dhinac ee waqooyi iyo koofur si loo muujiyo in xal waara laga gaaray xiisadii ka taagneyd magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa sidoo kale maanta ka qadeynaya dhanka waqooyi ee magaalada, iyagoo ku lugeyn doona magaalada marka ciidamada la kala qaado.

3 1 2

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com