Wararkii ugu dambeeyay ee shirarka Gaalkacyo!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ay sii ambaqaadi doonaan xalinta colaada u dhexeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wadooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goordhow lagu daadiyay ciidamo aad u farabadan oo isugu jira kuwa Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo la sheegay inay sugayaan amaanka Goobaha la filaayo in shirka uu ka dhaco iyo wadooyinka ay isticmaali doonaan madaxdaasi.

Kulanka saakay ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo Laba qodob oo kala ah kala qaadis saakay lagu sameeyo labada ciidan ee is horfadhiya iyo in la cusbooneysiiyo heshiis kama danbeys ah islamarkaana la howlgaliyo gudi la magacaabay oo isku dhaf ah.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Saakay oo sabti ah bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ugu jiraan kala qaadka ciidamada labada maamul, waxa ayna dhameystirayaan cutubyo ciidan oo kasoo haray kuwo si hordhac ah oo shalay loo kala qaaday.

Guddi isku dhaf ah oo looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo, ayaa isla maanta oo Sabti ah kormeeri doono furinta hore, si ay u xaqiijiyaan in ciidamada laga qaaday jiidda hore iyo in kale.
Culimadii ka qaybgashay kulankii shalay, ayaa ku dheeraaday dhibaatada if iyo aakhiraba ka dhalan karta, iyadoo wax aan macno lahayn lagu dilo, laguna barakaciyo dad maati ah.

Dhanka kale, waxaa saakay la filayaa in lasoo afjaro shirka, waa haddii aysan wax isbedelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com