XOG: Ethiopia oo ciidamo badan kasoo gudbisay xuduudda dhanka GALGADUUD kuna wjahan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa ciidamo dheeraad ah soo gelisay dalka Soomaaliya,ciidamadaasi oo kasoo talaabay dhanka xuduuda Dowlada Ethiopia la wadaagto gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada oo Watta gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa iney kasoo dhaqaaqeen dhanka dhulka Soomaalida Ethiopia, waxayna soo gaareen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowlada Ethiopia ee kasoo talaabay dhanka xuduuda ayaa lagu qiyaasay iney gaarayaan boqolaal askari kuwaasi oo watta labaatan gaadiidka dagaalka, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen markii ciidamada ay arkeen kadib.

Ciidamada ayaanan la ogeyn ujeedada ay ugu soo talaabeen dhanka gobolka Galgaduud, waxaase ciidamada Ethiopia lagu yaqaanaa ineysan ka amar qaadan midowga Africa iyo AMISOM, waxaana inta badan ay kasoo talaabaan dhanka xuduuda iyagoo gudaha Soomaaliya iska soo gala.

Dowlada Ethiopia waxaa gobolada Hiiraan, Galgaduud, Gedo , Baay iyo Bakool kaga sugan ciidamo kuwaasi oo markii dambe ku biiray howlgalka AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com