Fallanqeyn: Gaalkacyo oo dagaal kale cabsi u ah

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho(Caasimada Online) – Inkastoo inta badan la xaliyay Colaadii ka dhex curatay maamulada Galmudug iyo Puntland, hadana waxaa wali socda Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo Xasaradda sida hoose wali uga dhextaagan labada maamul ee ka dhalatay Gaalkacayo, Balse jihada loo marayo ayaa wali u muuqata mid marin habaabsan.

Gudiyada arrintaasi loo xil saaray ee hadda soo afjaray ayaa waxaa hayinka u hayay Ra’isul wasaare Omar Sharmaarke, wuxuuna Madaxda Labadaasi Maamul ka ballanqaaday in la joojin doono Colaadda Gaalkacayo wali ku harsan islamarkaana uu dhankiisa ka xoojin doono ku dhaqmida Qodobada lagu heshiiyay.

Xiisadda ayaa u muuqata mid wali kacsan, waxaana dhacay dagaallo sababay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

Welina ma muuqato ifafaalo sax ah oo lagu xalin karo Colaada hoose amrkii laga soo tago tanguud ee lagu indha sarcaadinaayo Beesha Caalamka, waxaana isweydiin mudan Maxay salka ku haysaa Colaadda, ma Siyaasad mise Deegaan ?

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan inuu ficiltan siyaasadeed iyo Bandhig Awoodeed ku laran yihiin dagaalka bishan November 22-dii ka qarxay magaalladda Gaalkacayo ee kala qeybsan, islamarkaana uu khilaafku ka mug dheer yahay Jid la dhisayo iyo Isbalalarin Deegaameed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, C/weli Gaas iyo C/kariim Guuleed ayaa loo aaneyn karaa inay iyagu mas’uul ka yihiin Colaadda Taageerayaashooda ku wada nool Gaalkacayo, waxayna Labadaasi Hoggaamiye u muuqdaan kuwo aan wali lahayn Bisayl Siyaasadeed iyo Danqasho Mujtamac.

Tan iyo markii Maamul Gobaleedka la yagleelay dhowr bilood ka hor, waxaa jiray Xiin siyaasadeed iyo Ismaandiid u dhexeeya Labada Madaxweyne iyo Maamulkooda, waxayna taasi keentay inay Taageerayaashooda isku deegaanka ah isku muujiyaan Nacayb iyo in la carqaladeeyo kuwada-noolaashihii magaalladda Gaalkacayo.

Xaqiiq ahaan kala qeybsanaanta Gaalkacayo ayaa noqotay Utin ku taagan reer Gaalkacyo, waxayna Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshadda ku baraarugi la’ yihiin inay magaalladda mideeyan, dadkuna is dhex galaan, iyadoo la iska illaabayo Dhacdooyinkii hore iyo waayihii adkaa ee la soo maray.

Hoggaamiyayaashii Militeriga ee geeriyootay, Jeneral Caydiid iyo Kolonel C/llaahi Yuusuf ayaa horey dadaal ugu galay sidii Heshiis Nabadeed loo dhex dhigi lahaa reer Gaalkacayo, waxayna sanadkii 1993-kii wada saxiixdeen Heshiiska Nabadda ee ilaa iyo haatan lagu caana-maalayo.

Docda kale, Madaxweynayaashii hore ee Puntland waxay ahaayeen kuwo iska ilaaliya in Reer Gaalkacayo olol colaadeed laga dhex shido, waxayna Madaxdii Puntland ka markhaati yihiin inuusan Xilligoodii dhicin Xasarad la mid ah tan ka taagan Gaalkacyo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, Jeneral Cabdi Qeydiid oo Sarkaal Dagaal u joog soo ahaa, markii uu Madax ka noqday Galmudug, waxa uu deggaan ka dhigtay Koonfurta Gaalkacyo, wuxuuna diidanaa inay Reer Gaalkacayo dagaalamaan.

Balse, markii uu xilka ka degay ayaa waxay reer Gaalkacyo madaxa la galeen Colaad u joog, dareen u joog, Qax iyo Colaad sugayaal.

Si kastaba ha ahaatee, haddii la doonayo in Khilaafka Gaalkacayo la xaliyo, waxaa lama huraan ah in marka hore Siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Galmudug la dhex dhigo Heshiis ka duwan qodobada hadda lagu heshiiyay ee gacan ku rimiska ah, si ay Ummadda ku nool Deegaanadaasi ugu caano maalaan Nabad iyo Nolol deggan.

Waxaana haboon in Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka dadaal mideysan u galaan sidii xal waara looga gaari lahaa Xiisadda Gaalkacayo iyo Deegaanadda kale ee ay colaadaha siyaasadeysan ka holcayaan oo ay badan karto soo laalaabashadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com