Rasaas laga maqlayo Gaalkacyo iyo qodobo laga soo saaray dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Galbeedka Magaalada Gaalkacyo laga Maqlay Rasaas Goos Goos ah oo ay isku ridayaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dadka deegaanka oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo halka ay isku horufadhiyaan ciidamada Labada dhinac.

Rasasta ugu badan ayaa la sheegaya inay soo ridayaan ciidamada Puntland kuwaasi oo rasaasta ku raadinaayo ciidamo kale oo ka tirsan Galmudug kuwaasi oo jaraaya wadada.

Ciidamada Galmudug ayaa iyaguna dhankooda kasoo ridaaya rasaasta, waxaana weli labada ciidan ku dhex jira Odayaal kasoo kala jeeda labada dhinac.

Rasaasta goos gooska ah ayaa waxaa barbar socda wadahadal u socda Odayaasha kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo si hordhac ah iminka u kala saxiixday qodobo xal u ah dagaalka.

Odayaashaani wada qaatay kulanka hordhaca ah ayaa waxa ay isku afgarteen ilaa 3 qodob oo kala ah:

1-In Ciidanka is horfadhiya la kala qaado

2-Xabbad Joojin Rasmi ah

3-Wada hadal rasmi ah oo laga dhex abuuro Saraakiisha iyo Ciidamada ay dirirtu u dhexeyso.

Maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ayay Odayaashu ka codsadeen in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaatan waan waanta ay wadaan waxgaradka gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com