Xog ku saabsan sababaha loo qabanaayo shirka Madasha Qaran ee Muqdisho (Qodobo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in shirka la filaayo in 10-ka bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho uu yahay mid dalabkiisa ka imaaday dhanka Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa Villa Somalia si gaara uga dalbaday Wakiilada waxaana looga hadli doonaa Seddex qodob oo xasaasi ah kuwaasi oo ku xeeran arrimaha doorashooyinka iyo fashilada ka taagan.

Shirkaani ayaa markii hore la qorsheynaayay inuu dhaco bilowga Asbuucii tagay, balse waxaa la sheegayaa in caga jiid uu ka muujiyay Madxaweynaha dalka oo isaga loo heysto eedeeymo la xiriira in si ku tallo gal ah uu u dib dhigaayo doorashada.

Kala aragti duwanaanshi maalmo qaatay kadib ayuu Madaxweyne Xassan ogolaaday in shirkaani uu qabto iyadoo ay isku arki doonaan Madaxda Madasha Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka waxaana su’aalaha ugu badan is weydaarsan doona Xassan Sheekh, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddiga Doorashooyinka.

Qodobada sida gaarka ah ay u daneynayaan Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kala ah:-

1-Go’aanka ay xubnaha Somaliland ku qaadaceen tirada laga siiyay Aqalka Sare iyo dhaliisha ay ka qabaan eexda ay DFS u kala eexatay maamulada dalka.

2-Arrimaha ku xeeran dhismaha maamulka Hir-Shabelle iyo Caqabada ka imaankara degdegta lagu dhisaayo.

3-Qorshaha ay Madaxtooyada Somalia ka leedahay dib dhiga doorashooyinak dalka.

4-Dhaqaalaha doorashooyinka loogu tallo galay iyo qaabka ay durbo u isticmaasha DFS.

Shirkaani Madaxda Madasha ayaa waxa uu xoogiisa saameyn ku yeelan doonaa Xassan Sheekh oo laga gudbiyay dacwado dhowr ah, Guddiga Doorashooyinka oo aan daacad u aheyn Jadwalkooda, halka Hogaamiyayaasha Maamulada wax laga weydiin doono ka gaabsiga ay ka gaabsanayaan go’aan ay DFS iyo Guddiga Doorashooyinka ku dib dhigayaan doorashada.

Qorshaha ugu weyn ee Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ah inay soo saaran digniino kama danbeys ah oo aan laga gudbi karin wakhtiga doorashada, iyagoo doonaaya inay banaanka soo dhigaan fashilada ay dhex dabaalaneyso DFS.

Docda kale, Shirkaani ayaa inbadan ka duwanaan doona shirarkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com