Sawirro: Musharax Jibriil oo kulan aan horey u dhicin ku qabtay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Jibril Ibraahim Cabdulle ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay madaxda iyo dadweynaha Puntland, xilli weli uu socdaal ku joogo magaalada Garoowe.

Jibriil ayaa la kulmay madax ay ka mid yihiin C/raxmaan Faroole, Cabdi Weli Gaas, xildhibaanno iyo odayaasha dhaqanka, oo dhammaantood taageero u muujiyey.

Jibriil ayaa sidoo kale la kulmay shacabka Puntland, isaa oo fursado u siiyey inay wax ka weydiiyaan qorshahiisa uu ku maamulayo dalka Soomaaliya.

“Aad ayaan ula dhacay jawaabihiisa, wuxuu u muuqdaa qof leh qorshe cad, garanayana sidii uu u fulin lahaa” Waxaa sidaas yiri Guuleed Cabdi oo ka mid ah dadkii kulanka ka qeyb galay.

Waxa ay ahayd markii ugu horreysay ee musharax madaxweynaha Soomaaliya uu kulan noocan oo kale ah ku qabto Garoowe.

Jibriil ayaa iminka u muquda musharaxa ugu cadcad dad bandanna ay rumeysan yihiin in uu noqon doono madaxweynaha xiga ee Soomaaliya, sababo lagu macneeyey aqoontiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa.

whatsapp-image-2016-10-09-at-8-18-53-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-19-06-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-19-17-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-19-25-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-19-34-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-19-53-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-20-02-amwhatsapp-image-2016-10-09-at-8-20-12-am

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com