“Madaxweynaha waxaa qabanaya sharciga NO.10” Wasiir runta u sheegay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ismari-waa adag ayaa dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirka shaqada & shaqaalaha C/weli Sheekh Muudeey kaddib markii Madaxweynuhu Guddoomiye u magacaabay Guddiga shaqaalaha rayidka, waxaanna magacaabista ku gacan seyray Wasiirka, isagoo tilmaamayin Madaxweynuhu u haysan wax sharciyad ah in Guddiga shaqaalaha uu Guddoomiye u magacaabo.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa ku dhisn sharci N0 10 oo la soo saaray 2006dii, wuxuuna sharcigaasi si cad qeexayaa in Guddigu dhexdiisa ay iska dooran karnaa Guddomiye, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha iyo qeybaha kale ee xubnaha Guddiyada.

La-taliyayaasha Madaxweynaha oo kala ah Aweys Xaaji iyo Xoghayihiis Cali Balcad ayaa la soo sheegayaa in ay ku qanciyeen Madaxweynaha inuu awood u leeyahay soo magacaabista Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, waxaanna ay arrintaasi ka dhalatay markii  markii La-taliyaha iyo Xoghayaha uu ka dalbaday Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir in loo waasteeyo wiil seedigii ah xilka Guddoomiyaha shaqaalaha.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa marka hore la-taliyeyaasha u bandhigay in kutubka sharciga lagu qoro ay ka baaraan in sharcigu u saamaxayo magacaabista Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha, waxeyna u sheegeen in Taariikhda magacaabista haddii laga dhigo xilli hore, sharci ahaan uu magacaabi karo kaddibna sidaas wuxuu Madaxweynuhu ku magacaabay Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir seedigiis ninka  lagu magacaabo Cabdullaahi Warfaa,

Haseyeeshee Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ay ku jiraan odayaal sharciyaqaano ah oo shir ka yeeshay arrintaasi ayaa magacaabista gaashaanka u daruuray,  iyagoo cuskaday sharci number 10, waxayna sharcidarro ku tilmaameen wareegtada Madaxweynaha, iyaga oo durba shir ay yeesheen  ku doortay Guddoon cusub.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Muudeey ayaa wareegtadaasi kaddib shir Jaraaid oo uu qabtay wuxuu caddeeyay in uu Magaalada ka maqlay in Dikereeto lagu soo saaray magacaabista Guddomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Cabdullaahi Warfaa,wuxuu yiri waxaan caddeynaa in Madaxweynuhu awood u laheyn inuu magacaabo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ah, uuna u diidaayo sharciga NO 10 ee 2006 soo baxay uuna la noqdo wareegtadii uu ku magacaabay Cabdulaahi Warfaa,wuxuuna Wasiir Muudey uu caddeeyay inaanu marnaba ka yeeleyn Madaxweynaha inuu ku tunto Sharciga, taasoo Fadeexad weyn ku noqotay Xasan Shiikh, isaga oo markii dambe  oggolaaday Guddoomiyaha Cusub ee Shaqalaha Rayidka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com