Xildhibaanada BF ee gobollada Waqooyi oo taalo cusub la yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somalia, kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa weli ku adkeysanaaya inaysan ka qeybgali doonin Doorashada Aqalka hoose iyo mida Aqalka sare.

Xiis Muuse Cawl oo kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inaysan ka qeybgalin doonin Doorashada Aqalka hoose iyo mida Aqalka sare.

Xiis waxa uu sheegay in shuruuda ay uga qeybqaadan doonaan keliya ay tahay inay in wax laga bedelo tabashada ay ka qabaan qaabka waxa loo qoondeeyay.

Waxa uu sheegay inay ka qeybgali doonaan goortii wax loogu daro dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi tirada laga siiyay Aqalka Sare.

“Waa sideedii wax iska bedelay ma jiraan go’aankii ay odayaashu gaadheen siyaasiyiintuna ku raaceen halkiisii buu taagan yahay shirkii hadda ugu dambeeyay waxaan sii ayidnay go’aankii isaga ahaa, annagu aqalka sare iyo mid hoose toona ka qeybgali mayno, illaa xal laga gaadho aqalka sare”.

”Adeer wey naga go’an tahay inaanu ka qeybqaadan waayo waxaa su’aal ah dad xuquuqdooda la xaqiray maxaa loogu cadaadinayaa inay ka qeybgalaan Doorashada Aqalka hoose iyo mida Aqalka sare dabcan waxaan qabaa in iyaga la weydiiyo”

Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada haddii ay dhacdo in loo kordhiyo tirada laga siiyay Aqalka Sare.

Docda kale, Xildhibaanku waxa uu sheegay in qeyla dhaantooda ay dhagaha ka fureysaneyso Dowlada Somalia, hayeeshee ay iyaguna fashilin doonaan doorashada Somalia, haddii aan wax laga bedelin cabashadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com