Xog: Gaas oo doonaya in doorashada madaxweynaha lagu qabto Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Xukuumada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka C/wali Gaas uu warqado gaara u gudbiyay wakiilka QM ee Somalia Michael Keating.

Warqadahaani ayaa waxa uu C/wali Gaas kaga warbixinaayay halka la filaayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweyninimo ee Somalia.

C/wali Gaas, waxa uu wakiilka QM ee Somalia Mr Michael Keating, ka dalbaday in la suuragaliyo in doorashada Madaxweyninimo lagu qabto magaalada Garoowe maadaama ay jirto amni daro ka taagan magaalada Muqdisho.

Gaas waxa uu qoraalka warqadihiisa ku xusay in Dowlada Federaalka ay ku jahwareersan tahay halkii ay ku qaban laheyd doorashada, waxa uuna faramuuqay in doorashooyinka kale lagu qabto magaalada Muqdisho balse doorashada Madaxweyninimo loo soo wareejiyo magaalada Garoowe, bacdamaa ay amni darro ka jirto magaalada Muqdisho.

Gaas waxa uu Mr Michael Keating qoraal ugu cadeeyay in halis ay ku jirto doorashada Somalia, waa haddii aan la helin meel ka duwan magaalada Muqdisho oo amni ah, waxa uuna sidaa daraadeeda ka codsaday in QM ay go’aan ka gaarto halka ay ka dhici doonto doorashada Madaxweyninimo ee Somalia.

C/wali Gaas waxa uu qorsheynayaa sida doorashada loogu wareejin lahaa magaalada Garoowe, waxa uuna hirgalinta arrintaani la kaashanayaa qaar kamid ah wakiilada reer Galbeedka ka jooga Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa goor sii horeysay ka biya diiday qorshahaani uu iminka wado C/wali Gaas, waxa uuna horay u hor istaagay codsiyo kan lamid ah.

Si kastaba ha ahaatee, C/wali Gaas ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay shaqsi aan ku wanaagsaneyn anshaxa diblumaasiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Casimada@live.com