Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka lixda gobal ee uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka digay in raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu booqdo magaalada Baydhabo halkaasoo maalinta berri ee Axadda ah uu ka furmaayo shirweyne dib u heshiisiin oo hordhac u ah maamul seddax gobal.
Cabdulaahi Maxamed Idiris (Leesto) oo ah wasiirka gaadidka ka ah maamulka lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay haddii ra’iisal wasaaraha uu yimaado Baydhabo in ay qaadacayaan ka qeybgalka shirka iyo in magaalada ay ka dhacaan rabshado la mid ah kuwa ka hore ka dhacay oo dad ay ku dhinteen.
Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka balse aaney jirin wax tanaasul ah oo ay ka muujiyeen maamulkooda lixda gobal.
Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa Khamiistii hore sheegay in daah furka shirka baydhabo ka dhacaya ay ka qeybgali doonaan wasiiro iyo xildhibaanno uu hor kacaayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo waxaa ka socda kulamo loogu gogal xaarayo shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Baydhabo ka furmaya maalinta Axadda ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com