Real Madrid vs Atletico Madrid – Isku aadka wareega semi-final-ka Champions League

Isku aadka semi finalka Champions League ayaa la sameeyay goor dhaw iyadoo lasoo afjara xaflad lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland, waxaan kasoo baxay kulamo culus oo runtii uu qof walba doonayo inuu daawado.

Kulanka Madrid Derby ayaa la daawan doonaa bilowga bisha soo aadan ee May, waxaana la diiday in mar kale Madrid Derby uu ka dhaco finalka, midkood labada kooxood ee reer Spain ayaa hari doona.

Sidoo kale Juventus iyo As Monaco ayaa isku aaday waana markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood isku aadaan tan iyo 2015 markaas oo ay isku arkeen wareega Quarter finalka Champions League, Juventus ayaana tartanka ka saartay kooxda faransiiska ah.

Dhanka kale UEFA waxey go’aamisay in As Monaco iyo Juventus kooxdii soo baxda ay noqon doonto kooxda finalka marka la tago martid aloo noqon doono.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Real Madrid vs Atletico Madrid

As Monaco vs Juventus

Lugta Hore ee Semi Finalka waxaa la ciyaari doona 2-da May iyo 3-da May halka lugta labaad la ciyaari doono 9-ka iyo 10-ka May.