Madaxtooyada oo bilowday barnaamij cajiib ah oo dhex maraya Farmaajo iyo shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su’aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada, taasoo noqneyso mid ugub ku ah siyaasadda Soomaaluya.

Qoraal lasoo dhigay baraha Bulshada Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu maanta bilawday Barnaamij loogu magac daray Talowadaag oo su,aalo lagu waydiinayo Madaxwyenaha.

Qoraalka lasoo dhigaya Baraha bulshada Madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan:  “Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan #TaloWadaag ah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbin kartaan Twitter iyo Facebook”ayaa lagu yiri qoraalo la soo geliyay baraha bulshada Madaxweynaha.

Su’aal weydiintan ayaa bilaabatay saaka 9-ka subaxnimo xilliga Geeska Afrika, iyadoo ay ku egtahay 3-da galabnimo.

Dadka rabo inay ka qeyb qaataan barnaamijkaan talo wadaag waxayna madaxweynaha fariimo ugu diri karaan Bulshada Bulshada Madaxtooyada, iyadoo la adeegsanayo  Hashtag #TaloWadaag ama #TalkandTweet.

Ilaa hadda waxaa madaxweynaha kasoo waydiiyey ku dhawaad 100 Su’aal, waxaana la filayaa inuu caawa ka jawaabo dhammaan Su’alahaas.

Hadaba waxaa la sugayaa jawaabaha Madaxweynaha ka bixiyo su’aalaha la soo weydiiyay oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah, waxayna u qornaayeen labadii farriin ee lasoo dhigay baraha Bulshada Madaxtooyada sida hoos kaaga muuqato

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com