R/W Kheyre oo ku sugan degmada Dayniile iyo kulan xasaasi ah oo halkaas ka socda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa barqadii booqahso lama filaan ah u tagay degmada Dayniile iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhaweeyey.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hoggaaminayo wafdi isugu jiro Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda Gobolka Banaadir.

Waxaa hadda wafdiga Ra’isulwasaaraha kulan xasaasi ah la leeyihiin Madaxda Degmada, waxaana ugu muhiimsan waxyaabaha laga hadlayo sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo qaar ka tirsan taliyayaasha Ciidamada.

Ra’isulwasaaraha ayaa booqday qeybo badan oo ka mid ah Degmada Dayniile, waxaana ugu dambeyntii hadda Xaflad heer sare loogu qabtay Hotel Tropical Village, welina way socotaa xafladaas, wixii kusoo kordhana waan idinla soo socod siin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com