Reer SSC oo caddeeyey mowqifkooda maamulka gobollada dhexe iyo shirka beelaha PUNTLAND!!

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo iminka isugu soo ururay Gobolada Bari iyo Nugaal ayaa digniin ka soo saaray Maamulka loo sameynayo Goboladda Dhexe, isagoo soo jeediyey in gobolka mudug labo loo kala qaybiyo, taas oo ka hor imanaysa Dastuurka Somaliya.

Puntland waxay kale oo ku goodiday inay ka fiirsanayso xiriirka ay la leedahay Dawlada Federalka Somaliya, arintan oo ah mid caado u noqotay Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.

Hadabba si aan wax uga ogaano aragtida shacabka goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka qabaan Maamulka loo sameynayo Goboladda dhexe iyo siday u arkaan hab dhaqanka Madaxweynaha Gaas iyo Gudoomiyaha Kumeel gaarka Jubbaland Aadan Madoobe ayaan waxaan la xiriirnay qaybaha kala duwan dadka ku dhaqan degaamada SSC, anagoo ku bilownay siday u arkaan Maamulka loo sameynayo Gobolada Dhexe iyo Shirka Cadaado.

SHIRKA CADAADO IYO MAAMUL U SAMEYNTA GOBOLADA DHEXE:

Shacabka Goboladda SSC waxay u arkaan Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud loo sameynayo inay tahay Guul, nabadgelyo iyo horumar lagu talaabsaday, iyagoo u arka inay faaiido u tahay umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto, ayna wax weyn ku soo kordhin doonto xasiloonida dalka.

GOBOLKA MUDUG

Shacabka SSC waxay aaminsan yihiin in aanay macquul ahayn in Gobolka Mudug loo kala qaybiyo qaab qabiil, ayna sax tahay in Galgaduud iyo Mudug lays raaciyo oo ay hal maamul goboleed noqdaan.

Shacabku waxay sheegeen in aanay u muuqan colaadaha iyo xumaanta cabsida huwan ee ka soo yeeraya maamulka Puntland, iyagoo ugu baaqay inay aaminaan oo si fiican u maamulaan gobolada Barri iyo Nugaal oo imanka u muuqda inay Puntland isugu soo ururi doonto.

SHIRKII GAALKACYO EE WADATASHIGA BEELAHA PUNTLAND:

Mar aan wax ka weydiinay shirka Gaalkacyo ee uu Cabdiweli Gaas ku dhawaaqay ay ku sheegeen inuu yahay mid daacadnimada ka fog oo ay ka muuqato in lagu xumaynayo shacabka Maamulka ku sameysanaya Goboladda dhexe, iyagoo sheegay in aanay raali ka ahayn in cid magacooda sheeganaysaa ay ka qayb gasho, marka laga reebo dadka shaqaalaha u ah Puntland, oo ku khasban in qofka mushaharka siiyaa uu meeshuu doono u diri karo.

MAAMULADDA CAADAYSTAY INAY DAWLADA DHEXE UGU GOODIYAAN INAY XIRIIRKA U JARAYAAN:

Suaasha ku saabsan Maamuladda caadaystay inay ku hanjabaan inay Dawladda Federaalka Soomaaliya xiriirka u jarayaan ayey ku jawaabeen inay tahay wax laga naxo in qof muwaadin ahi uu afkiisa soo mariyo waxaan xiriirka u jaray dawladii dhexe, iyagoo sheegay in dadka falkan ku kacaya ay ka maqan tahay wadaniyaddu, weliba waxaa laga yaabaa raga sidaas Somalinimadu ugu yartay inay berito isu soo sharaxaan Madaxweynaha Somaliya. “Waxaan u sheegaynaa dadka caadaystay falkan foosha xun in la soo dhaafay waqtigii qabiilka lagu maxaafsan jiray, hadaladda qaarkoodna ay afkooda ka soo bixi karaan dad awelba shisheeyey u adeegayey, shacabka SSC haday Soomaaliya ka goayaan ama raali ka yihiin waxay raaci lahaayeen Somaliland” ayey badankoodu yiraahdeen.

Baaristu waxay muujinaysaa in ay iska soo horjeedo aragtida Puntland (Nugaal, Barri) iyo shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn.

Isku soo wada duuboo arintan ayaa waxay imanaysaa xili uu dhowr jeer fashilmay shir siyaasadeed loogu magacdaray in lagu wadahadalsiin doono beelaha Puntland, kadib markii ay beesha Dhulbahante iyo Isimadoodii soo jireenka ahaa ay si toos ah u diideen inay ka qayb galaan, taas oo keentay fashilan, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in qalqaalo laga geli doono dabayaaqada bisha July.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com