Xog: Maxaa sababay is-casilaada Ridwaan Xaaji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ridwaan Xaaji C/weli, oo ahaa Afhayeenkii Xukuumadda Somaliya, ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isagoona sababta ku sheegay inuu shaqada kaga tagey arrimo isaga u gaar ah.

Ridwaan, ayaa waxaa magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), isagoona la soo shaqeeyay labadii Ra’iisal Wasaare ee ka dambeeyay, oo kala ah Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Nin ay si dhow u soo wada shaqeeyen Ridwaan, ayaa sheegay inuu xilka isaga casilay dhaqaalo xumo, xilli muddo dhowr bilood ihi aynaan wax mushaaraad ihi qaadan Shaqaalaha Dowladda Somaliya.

Ninkaan oo inaga codsaday inaan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa yiri “Sida aad la socotaan Shaqaalaha Dowladda ma qaadan wax mushaaraad ah in ka badan afar bilood, Ridwaan Xaaji C/weli wax kale iskuma uusan casilin ee lacag la’aan ayuu meesha kaga tagey.”

Markale, ayuu yiri “Waxaa lagu yeeshay lacago badan oo Hotelkii uu deganaa ah, wuxuu deganaa Ambassador Hotel oo ku yaala Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaa intaas dheer inuu waayay shidaal uu ku shubto gaarigiisii.”

Waxa uu intaa ku daray “Wax badan ayuu Ra’iisal Wasaaraha kala hadlay inuu lacag la’aan yahay, Ra’iisal Wasaarahana wax dheg jalaq ah uma siinin. Marka taasaa u sabab ah inuu xilkii iska casilo.”

Ridwaan oo ka yimid dalka Britain, ayaa ah nin Suxufi ah, wuxuuna horey ula soo shaqeeyay Telefishinka Universal, Laanta afka Somaliga ee VOA iyo Idaacadii burburtay ee Horn Afrik.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ihi ka bixin tallaabada uu xilka isaga casilay Ridwaan Xaaji C/weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com