“ODOWAA waa nin ku liita siyaasadda, GO’AAN walba oo aan qaadano isaga ayaa mas’uul ka ah’’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlusuna wal-jameeca oo kamid ah Ururada hubeysan, ayaa dhaliil adag u jeediyay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa.

Cabdi Shakuur Macallin oo kamid ah Mas’uuliyiinta maamulka ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Maamulka uu aad uga xun yahay Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay la fureen wada hadalo.

Waxa uu sheegay in ahmiyada maamulka uusan aheyn inay la gorgortamaan DF Somalia, balse muhiimadu ay tahay inay helaan hirgalinta qodobada ay hordhigeen Wasiir Odawaa.

Waxa uu tilmaamay in Odawaa uu ku gacanseeray inuu xal la gaaro Maamulka Ahlusuna wuxuuna taasi u sababeeyay ad adeega uu wasiirka u muujiyay Mas’uuliyiintii la kulantay Odawaa.

“Ahlusuna kama laabaneyso go’aankeeda marba hadii uu Odawaa xumeeyay wada hadalkii kala dhexeeyay maamulka, mas’uuliyada fashilka waxaa leh wasiir Odawaa oo aan waji wanaagsaneyn ku qaabilay xubnaha ururka wakiilka u ahaa wada xaajoodka”

DF Somalia ayuu kaga digay inay ka weecato shuruucda dalka iyo rabitaanka Ahlusuna, waxa uuna cadeeyay in Ahlusuna ay ka danqaneyso balamaha ay Dowladu caadeysatay inay uga baxdo Ururka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com