Deegaano ka tirsan PUNTLAND oo laga maqlayo rasaas xoogan & dhaqdhaaqyo socda (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan Deegaano hoostaga Maamulka Puntland.

Cabdulaahi Ciise Axmed oo ah Gudoomiyaha gobalka Nugaal ayaa shegay in ujeedka dhaqdhaqaaqyada uu yahay mid lagu xaqiijinaayo Amaanka waxa uuna sheegay in Ciidamada qaar ay si qaldan u adeegsadeen rasaas xoogan oo aan amar lagu siin inay ridaan.

Waxa uu sheegay in maamulka uu aad uga xun yahay Rasaastii xooga badneyd ee qaarkood loo adeegsaday dadka shacabka ah waxa uuna cadeeyay in Ciidamada qaar ay shakiyeen sidaana ay ku fureen rasaas xoogan.

Howlgalka ayaa lagu micneeyay mid looga hortagaayo Taliyayaal ciidan oo dhawaan xilka laga xayuubiyay kuwaasi oo laga cabsi qabo inay carqaladeeyaan Amaanka Deegaanada Puntland, waxaana Taliyayaashaasi kamid ah Jeneraal Muxuyadiin Gacamey oo horay usoo noqday Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada Maamulka ayaa lagu amray inay xoojiyaan dhaqdhaqaaqyada ka dhan ah ciidamada uu hogaaminayo Jeneraal Muxayadiin Gacameey oo carqalad ku hayo amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com