Reina oo ka tegaya Liverpool, xilli ay Reds dooneyso dhiig cusub.

Mustaqbalka Pepe Reina ee kooxda Liverpool ayaa shaki ku jiraa, iyadoo uu tababare Brendan Rodgers ku fikiraayo inuu bisha Janaayo lasoo wareego gool hayaha kooxda Birmingham Jack Butland ama da’yarka Xulka Jarmalka Ron-Robert Zieler.

Keliya ma ahaan doonto in lagu tiirsanaado ciyaartoyda uu macalinku keeno Reds, iyadoo ay kooxdu ku dhowdahay inay 12  milyan oo ginni kula soo saxiixato weeraryaahnka Chelsea Daniel Sturridge, halka ay 6 milyan kusoo qaadaneyso ciyaaryahankoodii hore Thomas Ince.

Rodgers ayaan hubin mustaqbalka 30-jirka reer  Spain Reina, wuxuuna sheegay horaantii xagaaga inuu doonayo bedelkiisa.

19-jirka goolka qabta ee u dhashay England Butland ayaa inta badan waxaa lasoo saxiixday macalinka Reds, wuxuuna haatan diyaar u yahay inuu mar kale u jeesto xiisihiisa marka uu Janaayo suuqu furmo.

Zieler, waa mid ka mid ah gool hayeyaasha ugu fiican Horyaalka Jarmalka waxaana qandaraaskiisaHannoverlagu burburin karaa 12.2 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada Mogadishu