Rooble iyo Guuleed ma ku guuleysan doonaan inay Odawaa ka tuuraan HOP69?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaciyey qabashada doorashada saddex kursi oo ka mid ah 6 kursi ee ku hartay magaalada Gaalkacyo. Seddexda kursi ee la shaaciyey waxaa ku jira kursiga sida weyn isha loogu wada hayo ee HOP#69.

Kursigaan waxaa ku fadhiya wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana sanadkaan tartan kula jira wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Labada nin marka qabiilka dhexdiisa la joogo waxaa la fahamsan yahay inuu Odawaa heysto garaado dheeri ah, laakiin Odawaa oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa sanadkaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Labadaas nin waxay 100% xoog iyo dhaqaale gelinayaan in Al-Cadaala la siiyo kursiga. Rooble waxaa la sheegay inuu Qoor Qoor ku cadaadinayo in kursiga loo xiro Al-Cadaala, laakiin taas waxaa la sheegay in dhanka Qoor Qoor aysan weli ka gadmin.

Cabdikariin Guuleed isaga waxaa u sawiran in Al-Cadaala uu wax badan ka tari karo ololihiisa doorashada haddii uu kursi soo helo, iyadoo ay jirto in waayahaan dambe duruuf siyaasadeed oo u dhaxeysay Guuleed iyo Odawaa.

Labadaan hoggaamiye ee Guuleed iyo Rooble waxaa laga yaabaa inay kiiskaan cadaawad badan ku abuurtaan oo dhanka jamaahiirta mucaaradka ah, maadaama Odawaa uu ku jiro xildhibaanada ugu shacbiyadda badan dhanka mucaaradka.

Al-Cadaala isaga mucaaradka waxaa kaga dhow Odawaa, muxaafidkiina waxay ku kala tageen habkii uu u maareeyey warbaahinta dowladda.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay toddobaadkan Rooble iyo Guuleed uga adkaadeen kursigii HOP#60 lama oga sidii uu mar labaad ku aqbali doono inay kursi labaad ka fara maroojiyaan.

Kursigaan HOP#69 kuma jiro kuraasta laga leeyahay magaalada Gaalkacyo mana jira culeys saaran Qoor Qoor, oo wuxuu awoodaa inuu xilli hore go’aan ka gaaro dhinaca uu aadayo kursiga.

Kooxda Ra’iisul Wasaare Rooble aad baxsad uguma ahan in tartan furan laga dhigo kursigaan, maadaama ay ka dharagsan yihiin halka uu jiro miisaanka iyo dareenka qabiilka kursiga iska leh, laakiin haddii uu Qoor Qoor diido inuu kursiga u xiro Al-Cadaala waxaa macquul ah inay tartan caadi ah aqbalaan, ayey leeyihiin dadka la socda xaalka kursigaan.

Cabdiraxmaan Odawaa isaga waxaa laga soo xigtay inuu wax ka sugayo diiwaankiisa wanaagsan. Qoor Qoor oo ay mar hore ka heshiiyeen kala aragti duwanaantii siyaasadda iyo odayaasha iska leh kursigaan.

Xubno ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka, ganacsato iyo dad badan oo Galmudug macno ku leh ayaa lasoo wariyey inay Qoor Qoor ka codsadeyn inuu Odawaa siiyo kursiga.

Axmed Qoor Qoor weli go’aan kama gaarin kursigan. Labada nin ee Odawaa iyo Al-Cadaala mid walba rajo ayaa u muuqata, waxaa jihada Qoor Qoor iyo qofka uu rabo inuu siiyo kursiga la fahmi doonaa marka lasoo magacaabo guddiga soo xulaya ergada kursigaan.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa kursigaan wax aragti ah ka laheyn, maadaama labada ninba aysan cod ka heli doonin oo lasii ogyahay qaanadaha ay ku kala jiraan.

Sidoo kale kooxda Waaya Arag oo inta badan talo ku leh go’aamada Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inay loolanka kursigaan dhex-dhexaad ka yihiin oo aanay qofna la safneyn.

Hadda waxaa la eegayaa haddii ay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo musharax Guuleed ku guuleysan doonaan inay Odawaa dhaafiyaan kursigaan ama haddii uu Axmed Qoor Qoor iska diidi doono inuu jiahadaas aado.