Meydka gabar yar oo hab aan horey loo arag loo dilay oo lasoo dhigay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka Gabar yar oo saqiir aheyd oo la sheegay inay dhawaan dhalatay ayaa waxaa lasoo dhigay xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Meydka Gabadhaan oo si xun loo jir dilay ayaa waxaa lasoo dhigay Luuq u dhaxeeya laba Guri, waxaana madaxa loo geliyey digsi.

Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay meydka Gabadhaan, waxayna dadka xaafadda Raadeerka sheegeen inay meesha soo dhigtay hooyadii dhashay.

“Meydka Gabadha si xun ayaa loo jir dilay, wajiga iyo madaxa ayaa la burburiyey, indhaha waa laga bixiyey xataa lama aqoonsan karo wajigeeda, aad ayaan uga naxay markaan arkay,” ayey tiri gabar ka mid ah dariska oo aheyd qofkii ugu horeeyey ee arkay meydka gabadhaan.

Sidoo kale qof kale oo dadka deegaanka oo ayaa yiri “Meydka Gabadhaan saaka ayaan aragnay, waxaa ku taalay Ibidii lagu dhalay iyo xuduntii, waa Gabar mar dhow la dhalay, waxaa laga yaabaa in markii hore si sharci darro ah lagu dhalay, balse waxaa taas kasii dambi badan dilka loo geystay.”

Goobta lasoo dhigay meydka Gabadhaan ayaa waxaa soo gaaray ciidamada Booliska ee Degmada Dayniile, waxayna sheegeen inay baaritaan ku sameenayaan ciddii ka dambeysay falkaan.

Arrintaan ayaa argagax iyo naxdin ku abuurtay dadka deegaanka, illaa haddana lama aqoonsan hooyada dhashay cunugaan ee sidaan ula dhaqantay.