Rooble oo Dhabancad ku cadaadinaya arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu guddoomiye Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo adayo xilli Maanta ay xildhibaanada baarlamaanka khudbado u jeediyeen musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Rooble iyo Guudlaawe ayaa ka wada hadleen dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle iyo qodobbo kale.

Ra’isulwasaare Rooble iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ku dhagay kursiga HOP#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin kaasoo laga soo doortay Hirshabelle, lamana xaqiijin karo haddii kulankaan uu xiriir la leeyahay kiiskaas.