Xubnihii Ceelwaaq oo loo diiday iney ka qeyb-galaan fadhiga maanta ee G/SH

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba doorasho oo is garab socota ayaa ka socota Jubbaland. Ceelwaaq koox taageersan Axmed Madoobe ayaa ku qabatay doorasho maanta lasoo geba-gebeeyey, tagista, shahaado bixinta, codeynta iyo ku dhawaaqista natiijadaba ma aysan qaadan wax saacad ka badan taasoo sii xoojisay fedeexooyinka doorashooyinka Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa iyadana waxaa ka billaabaneysa doorashada 16 kursi oo ay fulinayaan xubno taabacsan Farmaajo.

Labadaba waxaa jooga xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedeeraal ee FEIT iyo midka xallinta khilaafaadka. Balse Ceelwaaq waxaa dheeri u ah xubnaha guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed.

In Ceelwaaq la aado oo doorasho lagu qabto waxay ka dhigan tahay in laga baxay ku dhaqanka heshiiskii 17 September, waana markii koowaad oo hoggaamiye Goboleed uu toos u jabiyo heshiiskii ay saxiixeen Labada Aqal ee Baarlamaankii Tobanaad.

Axmed Madoobe dood xooggan uma noqon doonto ma tagi karo Garbahaarey xilli Cali Guudlaawe uu doorasho ku qabtay Magaalada Beledweyne oo dhiiggu daadanayo, geeriduna ay Boqol dhaaftay intii uu Magaaladaas joogay, ayey leeyihiin dhinacyada dhaliilsan dooda Axmed Madoobe.

Qaar ayaa ku doodaya muhiimba ma aheyn inuu isagu tago ee guddiga ayaa ku filnaa inay Garbahaarey tagaan.

Kooxda Garbahaarey aaday iyaguna waxay noqdeen qoladii koowaad ee ku dhaqaaqda Laba doorasho oo is garab taala.

Guddiga doorashada ee FEIT waxaa ceeb ugu filan in 16 kursi oo loogu talagalay in hal magaalo lagu qabto inay Laba magaalo doorasheeda ka wadaan iyagoo kala jaban.

Waxay muujineysaa heerka mas’uuliyad xumadooda iyo inaysan jirin wax laxow ah oo uga jira inuu nidaamka doorashada si hagaagsan ku dhammaado.

Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq ayaa shalay waxay qaar yimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo qaatay shahaadada xildhibaanimo ee uu bixiyo guddiga FEIT, taasoo iyaduna kasoo horjeeda hab-raaca dhigaya in markii xildhibaanka la doorto kadib in sadddex maalin la sugo haddii ay jiraan wax cabashooyin ah, haddii la waayo cid cabasho keentana wuxuu markaas hab-raaca dhigayaa in guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed inuu xogta kursigaas u gudbiyo guddiga doorashada ee heer Federaal si xildhibaankaas loo siiyo shahaadada rasmiga ah.

Wararka ka imanaya xarunta Golasha Shacabka iyo guddoonka kumeel gaarka ah ee Golaha ayaa sheegaya in guddoonka iyo xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka inay ka cago jiidayaan in wixii Ceelwaaq ka dhacay doorasho loo aqoonsado.

Waxaa jirta dood xubnaha qaar qabaan oo ah in golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan ka gaaraan doorashada Labada dhinac ee ka socota Gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay qoraal soo saaray ayaa isna la yimid dood taas la mid ah oo dalbaneysa in doorashooyinka is garab socda ee Gobolka Gedo inay sharci darro yihiin ayna kasoo horjeedaan heshiiskii doorasho ee 17 September loona baahan yahay in Golaha Wada-tashiga Qaran go’aan ka gaaro.

Hadalka Farmaajo oo isaga loo arko inuu abaabulayo doorashada ka socota Garbahaarey iyo midka Axmed Madoobe ku xoojinayo doorashada ka socota Ceelwaaq labaduba uma muuqdaan kuwa la fal geli kara xaqiiqada u muuqata Dadweynaha.

Haddii guddoonka kumeel gaarka ah iyo xoghayaha Baarlamaanka ku adkeystaan in Kuraasta Gedo dib la isaga dhigo buuqooda oo aan xubnaha shalay lagu soo doortay Ceelwaaq la siin aqoonsi xildhibaanimo lana dhaarin waxay ka dhigan tahay in loo baahan doono Golaha Wada-tashiga Qaran oo ay hor tagi doonaan 32 xildhibaan oo laga rabo 16 sax ah, laakiin haddii la fasaxo oo dhinaca diidan ee Farmaajo taageersan ay golaha shacabka foodo geliyaan waxaa la aaminsan yahay inay saameyn doonto jadwalka doorashada guddoonka.

Sida guddoomiye Dhabancad iyo xoghaye Buux u maareeyaan arrintaan ayaa aad loo eegayaa iyo sida uu golaha Shacabka qalalaaso cusub uga badbaado, walow ay jiraan xildhibaano olole ugu jira in la fasaxo xubnihii Shalay lagu soo doortay Ceelwaaq.