Rooble oo diiday qorshe ay Villa Somalia ugu soo wareejin laheyd Cabdi Cali Raage

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka 20-ka May ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad.

Ma cadda, sababta ujeedka ay madaxtooyada ka laheyd qorshaha Cabdi Cali Raage loogu soo darayey kooxda ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee Farmaajo ayaa horey loogu eedeeyey inuusan dooneyn inuu fursad siiyo, oo uu howlihiisa u madax baneeyo Rooble.

Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Ra’iisal Wasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato.  Haddaba Ra’iisl Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabidraxmaan Cabdishakuur. 

Tallaabada uu qaaday Rooble ee uu ku diiday Cabdi Cali Raage ayaa sii xoojin karta kalsoonida ay ku qabaan Midowga Musharaxiinta, oo maalmihii ugu dambeeyey taageero xooggan u muujinayey ra’iisu wasaaraha, waxaana ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay sheegay inuu kalsooni ku qabo Rooble.

“Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaallada socda ee xal u helidda arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Shariif.