Rooble oo eryey 7 xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Rooble

XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS XUBNO KA TIRSAN GUDDIGA KHILAAFAADKA

Markii uu arkay; Qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, Markii uu tixgaliyay Go’aannadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loogu xilsaaray hiogaaminta iyo habsami u socod-siinta doorashooyinka daika.

Markii uu xaqiiqsaday; in xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda, isla-markaana baal maray xeer anshaxa doorashada.

Markii ay u caddaatay; in Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay khatar ugu jiraan in ay lumiyaan kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha doorashooyinku ku qabeen in ay si caddaalad uga garsooraaan cabashooyinka Ia xiriira doorashooyinka.

Markii uu xaqiiqsaday; in xubnaha magacyadooda hoos ku qoran yihiin ay masuuliyadooda u isticmaaleen ujeedooyin ka baxsan xilkii lagu aaminay, kana dhaga adaygeen talooyin iyo digniino Ia xiriiray ka waantoobista falalka ay ku jiraan ee baal-marsan nidaamka xil gudashadooda.

Markii uu tixgaliyay: Halista ay ku keeni karaan ficilada xubnahaan Doorashada iyo xasiloonida guud ahaan ee DalkaWuxuu go’aamiyay

Qodobka 1-aad

Waxaa xilalkii iyo xubinimadoodii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka laga qaaday xubnaha magacyadoodu kala yihiin:

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Qodobka 2-aad

Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay ka mid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay

1. Ismaaciil Maxamed Axmed
2. Fardowsa Mataan Buulle
3. Ayaanle Axmed Cabdulle
4. Bashiir Axmed Yusuf
5. Xasan Axmed Dhicisow
6. Axmed Barre Maxamed
7. Maxamed Cawil Warsame

Qodobka 3-aad

Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan in ay dhawraan anshaxa iyo dahfurnaanta doorashooyinka, ilaaliyaan madax-bannaanidooda kana fogaadaan ku milmidda siyaasadda.

Qodobka 4-aad

Xeerkan waxuu dhaqangelaayaa marka uu saxiixo Raisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha JFS